Raysal wasaare kuxigeenka Turkiga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhoweeyey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Booqashada Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiag uu ku yimid Muqdisho ayaa la sheegay in ujeedkeedu yahay u kuur gelida xaalada abaaraha, arrimaha bani’aadanimada iyo xoojinta howlaha mashaariicda iyo kaalmada ay siiyaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Vyesi Kaynak iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay la kulmaan Madaxda dowladda Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in booqashada Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ay horu dhac u noqoneysaa socdaal la filayo inuu bishan gudaheed ku yimaado Muqdisho Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo furi doono saldhig Milateri Turkiga ka dhistay deegaanka Jazeera, kaasoo lagu tababarayo Ciidamada Soomaaliya.

Turkiga ayaa mashaariic hormarineed ka wada gobolada Koonfureed ee dalka iyo Somaliland.

Puntland-News24.