Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo madaxwayne kuxigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Xaaji Cumar Camey ayaa ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ujeedka wafdiga ayaa ah sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka abaarta ku xoolo waayay ee ku sugan gobolka Mudug.

Kumanaan qoys oo bilo kahor haystay dhowr kun oo xoolo ah ayaa imminka soo gaaray magaalada Gaalkacyo , xilli kuwa kale ay ku suganyihiin deegaanada miyiga ah kuwaasi oo xaaladooda laga dayrinayo.

Wafdiga madaxwayne kuxigeenka Puntland ayaa waxaa ka mid ah hay’adda WFP iyo hay’adda maaraynta masiibooyinka dabiiciga Puntland ee Hadma.

Puntland-News24.