Wasiirkii hore dekedaha iyo gaadiidka badda xukuumaddii raysal wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Dr Nuur Faarax Xirsi Allaha ha u raxmadee ayaa horay usoo noqday safiirkii Soomaaliya ee wadanka Malaysia.

Sidoo kale marxuumka ayaa horay deegaanada Somaliland uu kasoo jeeday ka aasaasay urur siyaasadeedka Gurmad , kaasi oo markii dambe looga adkaaday inuu usoo gudbo hab xisbi.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho , isagoona madaxa uu dhiig kaga furmay.

Puntland-New24.