Qaylo dhaan.

Waxaan shan habeen iyo shan maalmood wareegayey degaanno ka mid ah gobolka Sanaag, waxaan maray degaannada kala ah Fiqifuliye iyo dhul badan oo hoos yimaada sida Shilmawre, Tuurdibi, Carroweyn, Faraciidle, Ceelqooxle, Gelisle, Haldhaayada, Booddacadde, Boorweyn, iyo dhul xadeedka ah, waxaan kale oo marnay degaanno hoosyimaada Xingalool sida Dhiddinbarigorayo, Sibaayo, Dhaloollada, Gurmale, Boomaska iyo degaanno kale oo badan.

Dhanka kale waxaan marnay Booddacad, Baraagahaqol, Ballibusle iyo degaanno hoosyimaada dhulkaas, waxaan soo aragnay Abaar dhul aan baad iyo biyo lahayn, waxaan aragnay xoolihii oo tarab tarab u le’anaya, waxaan soo aragnay bakhtigii oo geedaha dushooda loo tuuray, qaar la gubay iyo kuwo xabaal wadareed loo sameeyey.

Waxaa dhab ah haddii labo wiig oo dambe roobku sii raago in masiibo wayni soo fool leedahay Allaha inaka dhawree, duunyada harsani waa dambaska, dadku waa muslimiin oo iimaanka ayaa qanjaha jooga laakiin waa la baqayaa, waxaa dhici kara cayrtoow iyo in dadkuba dhintaan, sidaa darteed waxaan ku baaqaynnaa in la gurmado naf iyo maal.

Gudoomiyaga Gurmadka Abaaraha Sheekh fuaad