Madaxwayne kuxigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi ayaa ku eedeeyey dowladda faderaalka Soomaaliya inay hayso wadada xukuumaddii kahoreeysay ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdixakiim ayaa sheegay dhaqaalaha ay dowladda ugu yaboohday dowlad goboleedyada ee ahayd 150-kun oo doolar ay ahayd mid aan wanaagsanayn ,in Puntland lala simo maamulo ka da’yar , kana dhul yar.

Waxaa uu xusay Puntland inay usoo barakceen dad badan oo abaarta kasoo haayamay maamulada kale , ayna tahay wax laga xumaado maamulada aan loo hayaamin in lala simo.

Hoos ka dhagayso

Waxaa uu sheegay Somaliland in loogu yaboohay lacag dhan 200-kun oo doolar , halka Puntland iyo maamulada kale lasiiyay lacag dhan 150-kun oo doolar oo ah wax cadaalad darro ah.

Puntland-News24.