Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa ka dhacay kulan balaaran oo lagu soo dhoweeynayo barnaamijka xisbiyada badan.

Kulanka ayaa ka dhacay hotelka Gufure , waxaana ka qaybgalay siyaasiyiin badan oo gobolka Karkaar iyo ganacsato.

Xubnihii ka qaybgalay kulanka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan nidaamka xisbiyada badan ee Puntland ayna furan doonaan.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa dhowaan daah furay barnaamijka xisbiyada badan inuu ka shaqeeyo Puntland.

Magaalada Qardho ayaa siwayn uga hortimid barnaamijkii xisbiyada ee xukuumaddii madaxwayne Faroole , kadib markii lagu soo beegay xilli waqti xileedkeedii uu dhamaaday.

Puntland-News24.