Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Sheekh Cabdixaafid Cali Yuusuf imminkana ka shaqeeya horumarinta bulshada ayaa ka hirgaliyay isbitaalka guud ee magaalada Bali-dhidin xarun lagu daweeyo bukaanada qaba cudurka qaaxada.

Isagoo ka hadlayay arintan ayaa waxaa uu sheegay mashruucan inay gacan ku siisay hay’adda Zamzam foundation , waxaana uu sheegay arrintan inay dabooli doonto baahida ay qabaan bukaanada xanuunka TB-da ee deegaanka , iyagoona ka heli kara dawooyin lacag la’ aan ah.

Dadka qaba TB-da ayaa horay meelo aad u durugsan u doonan jiray dawooyinka, dhanka kale waxaa uu ka warbiixiyay gagaar cunto oo uu ka qaybiyay isla degmada Bali-dhidin , taasi oo la gaarsiiyay dadka abaarta ay saamaysay.

Hoos kadhagayso waraysiga

Puntland-News24.