Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in laba tuulo lagu gubay deegaano ka mid ah gobolka Shabeelada dhexe , kadib dagaal dhexmaray laba beelood oo deegaanadaasi wada dagan.

Tuulooyinka lagubay ayaa lagu kala magacaabaa Janni hamislee iyo Kulmisyaray, waxaana la sheegay in arrintan sidoo kale ay bilaabatay kadib markii lo’ ay daaqday beero ku yiilay deegaankaasi , taasi oo ay ka caroodeen mid ka mid ah beelaha deegaanka.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle oo arintaan kusaabsan.

Puntland-News24.