Roob siwayn loogu diirsaday ayaa xalay qabtay deegaano ka mid ah gobolada Mudug iyo Sool , xilli wadanka ay ka jirto abaar si daran u saamaysay dadka iyo duunyada.

Wararka uu helayo PuntlandNews24 ayaa sheegaya roobka xalay inuu ka da’ay deegaano dhanka bari uga beegan gobolka Mudug oo ay abaar daran ay ka jirtay gaar dhulka loo yaqaan Ciidka iyo bariga magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale gobolka Sool degmooyin badan ayaa roobku uu helay sida Dharkeyngeenyo iyo Saax-dheer.

Meelaha qaarkood berkadaha ayaa biyaha uu galay , Soomaaliya waxaa ka jirta abaartii ugu khasaaraha badnaa ee wadanka soo marta iyo meelaha qaar oo ay wehliyaan colaado.

Puntland-News24.