Deg:deg” Shirkad-da DP World oo la wareegaysa Maamulka Dekad-da Bosaaso Marka ay Dayactirto

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhowayd ku saxiixay magaalada Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta Heshiiska Dekeda Boosaaso loogu wareejinayo Shirkadda DP World.

Heshiiskan ayaa noqonaya kii labaad oo shirkadda DP World kula wareegayso maamulka Dekedaha ku yaalla Soomaaliya, iyadoo dhamaadkii sanadkii hore sidan oo kale heshiis lagu wareejinayay Dekeda Berbera la saxiixatay Maamulka Somaliland.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa madaxweynaha ku wehlinayay heshiiskan oo madaxda maamulka ay ku sheegeen in uu yahay mid taariikhi ah.

Wada-hadalada labada dhinac ayaa soo socday in muddo ah.

Close

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker