{Dhagayso) : Dagaal lagu Hoobtay oo Dhaxmaray Ciidamada DfS iyo Al-shabaab oo Maanta ka Dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shabaab ayaa saakay ilaa iyo hada waxa uu ka socdaa Degaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar iyo Howlgal qorsheysan ku qadeen Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose oo ay ku sugan yihiin Shabaab.
Dagaalka ayaa si gaar ah waxa uu uga socdaa Degaanada Kibili, Buufow, Waagaale, kuwaasi oo dhammaantood hoostaga Degmada Qoryooley iyo Janaale oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Hoggaaminaya Ciidankan Dagaalka kula jira Shabaab Gaashaanle Dhexe Daahir ayaa sheegay Shabaab in ay kala wareegeen Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Close

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker