Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Juxa  iyo waftigiisii ayaa ku guulaystay in ay ku qanciyaan  Barlamaanka iyo  guddiga doorashada Maamul goboleedka Galmudug in dib loo dhigo doorashadda madaxweynaha Muddo Saddex Toddobaad ah.

Wasiirka oo shalay gaaray degmadda Cadaado ayaa madaxda Galmudug kala hadlay dib u dhiga doorashadda, isagoo sheegay in safarkiisa uu la xiriira wadatashi, iswaraysi iyo kala xog qaadasho uu la yeelanayo masuuliyiinta Galmudug.

Anagu waxaan halkan la nimid niyad wanaag, inaanu wax kordhino, waxaanu jecelnahay amuuraha horyaal degaamadan in la wajaho, waxaanu jecelnahay inaanu meel u wada jeesano, aynu u diyaar garowno caqabadaha waaweyn ee dalka ka jira” ayuu yiri Wasiirka arrimaha Guduhu.

Gabagabadii,Heshiiska is-afgarad ee dhexmaray wasiirka iyo masuuliyiinta Galmudug ayaa dhigayaa in Doorashadda  la qabto 30 bishan April,  iyadoo  inta ka horaysa  waqtigaas wasaaradda arrimaha guduhu ay ka shaqayso sidii qaybaha ka maqan oo ugu horreeyaan maamulka Ahlu Sunnah ee goboladda dhexe lagu qanciyo inay ka soo qaybgalaan doorashadda.