Wararka laga helayo xeebaha Soomaaliya ayaa sheegaya in koox bucadbadeed hubaysan oo Soomaali ah inay ka qafaasheen biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen doon ganacsi oo wayn.

Hay’ad fadhigeedu yahay wadanka Ingiriiska oo qaabilsan ilaalinta ganacsiga badaha ayaa sheegay inay suurtagal tahay in lala aaday xeebaha Puntland.

Taliyaha Ciidamada Midowga Yurub ee Joogga ee Xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka War heleen Afduubka loo geystay doonidaasi ,islamarkaana ay waddaan howlgallo ay kusoo badbaadinayaan.

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si deg deg ah wax looga qabto Falalka kooxaha Burcabadeeda Soomalida ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya.

Madaxa Laanta Qaramada Midoobey u qaabilsan La-dagaalanka Daroogadda iyo Dambiyadda ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dalalka caalamka ay u soo jeestaan Qatarta ka dilaacday Soomaaliya.

Sii socoshada weerarada burcadbadeeda iminka ayaa waxaa ay keeni kartaa qiimaha maciishadda ee Soomaaliya oo si’ aad ah sare ugu sii kaca marka la barbardhigo xiligaan oo wadanka abaarta ay ka jirto , taasi oo qiimaha biyaha iyo cuntada gaarsiisay meel aad u saraysa.

Puntland-News24.