Madaxwayne Farmaajo iyo wasiirkiisa arimada dibadda Yusuf Garaad oo gaaray Dubai

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa gaaray wadanka Isutaga Imaaraatka Carabta oo ay maalintii shalay gaareen wafdi horudhac u ah booqashadiisa oo uu hogaaminayo wasiirkiisa arimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar.

Waa safarkii afaraad oo muddo lixdan cisho gudahood madaxwaynaha uu bixiyo , isagoo xafiiska jooga waqti kooban.

Wararka laga helayo socdaalkan ayaa sheegaya inuu la xiriiro sidii uu ula kulmi lahaa madaxda dowladda Imaaraatka Carabta oo khilaaf xiligaan uu kala dhexeeyo dowladdiisa , sida la aaminsanyahay , taasi oo ay ka mid yihiin heshiiska magaalada Berbera ee Somaliland iyo dowladda Imaaraatka Carabta oo Imaaraatku doonayo inuu saldhig militari ka dhigto.

Dowladda Sacuudiga ayaa door ka qaadanaysa is-fahamsiinta labada dhinac.

Imaaraatka ayaa waxaa kusugan wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha Puntland oo la saxiixday shirkadda Po& Ports ee wadankaasi heshiis lagu balaarinayo dekedda Bosaaso , sidoo kalena lagu wareejinayo.

Puntland-News24.

Close

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker