Roob siwayn loogu diirsaday ayaa shalay ilaa iyo xalay ka da’ayay deegaano hoosyimaada gobolka Shabeelaha dhexe , xilli wadanka ay ka jirto abaar aad u daran.

Meelaha uu roobku ka da’ay waxaa ka mid ah magaalada Jowhar tuulooyin hoosyimaada sida tuulada Koongo.

Dadka deegaankaasi ayaa sheegay inay ku diirsadeen roobka , balse uu saamayn ku yeeshay dadka danyarta ah ee degan guryaha ka samaysay bacaha iyo cooshadaha.

“ Roobkii shalay iyo xalay noo da’ay waxa uu saameeyay qoysaskeenna, guryaheennii waxaa ka biibay jiinkadihii saarnaa kaddib dabeylo xoogga uu watay roobka oo saameeyay, banaanka ayaan hadda jiifnaa waxaan u baahannahay caawimaad” ayay tiri Sahro oo ka mid ah dadka tuulada gongo.

Gobolada dalka ayaa waxaa kajirta abaarta , iyadoo dad badan ay u lee’anayaan biyo la’ aanta iyo xoolaha oo wax ay cunaan haysan oo iyaguna dhamaanayo ayaa hadana jirin qorshe lagu gargaarayo dadka aan biyaha roobka celin karin dagan kuwaasi oo iyaguna dhibaato ku qaba roobka.

Puntland-News24.