Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay xariga wariye Cabdi Maalik Coldoon oo dhawaan lagu xakumay Hargeysa.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan yarsiisow ayaa sheegay in xukunka lagu riday wariye Coldoon ay ka xun tahay dowladda Soomaaliya.

Wariye Coldoon ayaa loo xiray safarkii uu ku tagay Muqdisho iyo taageeradii uu ufidiyay madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.