Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxa Ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Warshadii hore ee Nac-Naca Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof naftii halige ah kaasoo isku soo xiray Waxyaabaha Qarxa,Ninka Qaraxa geystay ayaa soo xirtay dharka Ciidamada wuxuuna gudaha u galay Xerada Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Warshadii hore ee Nac-Naca.

Inta la xaqiijiyey 10 Askari ayaa ku dhimatay Qaraxa oo ay kamid yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka,waxaana ku dhaawacmay 10 kale,Al-shabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda weerarkan sababay dhimashada faraha badan.

24kii saac ee lasoo dhaafay waxaa Muqdisho ka dhacay 3 Qarax oo sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, Qaraxyada ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu dhawaan shaaciyey iney qaadayaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab.