Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay lagu soo dhoweeyey magaalada Abu dubai ee caasimadda wadanka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Madaxwaynaha ayaa waxaa garoonka ku qaabilay duqa magaalada Dubai , waxaana loo galbiyay hotel gaar ah.

Waxaa la filayaa inuu la kulmo masuuliyiinta dowladda Imaaraatka Carabta oo uu ka mid yahay Sheekh Mohamed bin Zayed Al Nahyan oo ah abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee Imaaraatka Carabta iyo dhaxal sugaha dowladdaasi iyo sidoo kale masuuuliyiinta dowladda Dubai.

Wararka ayaa sheegaya socdaalka inuu al xiriiro sidii uu ugala hadli lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dowladooda iyo saldhiga Militariga ee Berbera oo Imaaraatka Carabtu doonayo inuu ka samaysto , taasi oo ay dowladda Soomaaliya kasoo horjeeddo.

Puntland-News24.