Qarax ayaa saakay ka dhacay degmada Xamarwayne ee gobolka Banaadir , kaasi oo uu ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadaha duulimaadka ee Soomaaliya ka howlgala.

C/qaadir Cismaan Faarax oo loo yaqaano Dr. Yare oo ka tirsan shirkada duulimaadka Daalo ayaa dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa , kaasi oo lugta iyo qaarka sare ee jirkiisa uu qaraxu waxyeeleeyey.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay , waxaana la rumaysanyahay inuu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray sarkaalka.

Gelinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii qarax ka dhacay waddo uu marayay taliyaha cusub ee ciidamada militariga Soomaaliya wadada Warshadaha uu haleelay gaari shacab ay saaranyihiin , kaasi oo ay ku geeriyoodeen 15-qof oo gaarigaasi lasocday.

Puntland-News24.