Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wada hadal ay la galaan hogaamiyeyaasha Al-shabaab si dagaalka wadanka kasocda loo soo afjaro.

Hadalkan ayuu madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaa uu ka sheegay munaasabadda 12ka April ee maalinta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka dhacday xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

“Al-Shabaab dadka hoggaanka ah waxa aad bur burineysaa rajada umadda Soomaaliyeed, ma bur burin kartaan dowladda Soomaaliyeed, mana qabsan kartaan, waxaa leeyahay dadka madaxda u ah Shabaab 10 sanno ayaa dagaaleysaan, waxaa diyaar u nahay inaan wada xaajood idinla galno, noo imaada, hubka iska dhiga, aan wada fariisano, hadaad nabad qaadan weydaan meel kasta aad joogtaan ayaa idinku imaaneyna” ayuu sheegay madaxwaynaha oo dhanka kale usoo jeediyay dhalinyarada Al-shabaab la khalday inay ka faa’iidaystaan cafiska dowladdda ay u sameeysay , isagoo xusay waxbarasho , mushaar iyo caafimaad inay ugu badalayaan Al-shabaabnimadooda.

Madaxwayne Farmaajo ayaa dhanka kale u yeeray saraakiishii hogaaminaysay dagaaladii Al-shabaab looga saaray sanadkii 2011kii magaalada Muqdisho , isagoona xusay in mar kale qorshayaashii horay ay dib u isticmaalayaan.

Puntland-News24.