Madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha ayaa ka qaybgalaya munaasabadda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo 57- sano ay kasoo wareegatay , kaasi oo imminka kasocda xarunta wasaaradda gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa xiray guud ahaan wadooyinka gala wasaaradda Gaashaandhiga oo ku taala degmada Dayniile , waxaana sidoo kale xiran wadooyinka kale ee madaxtooyada.

Ciidamada militariga Soomaaliyeed oo la aasaasay 57- sano muddo laga joogo ayaa noqday ciidamadii ugu awoodda badnaa ee qaaradda Afrika soomara , waxaana uu gacan ka gaystay xornimada dalal badan oo Afrikaan iyo tababaro uu siin jiray.

Laakiin maanta ayaa taariikhadaasi ka duwan , waxaana ciidamada militariga dalka ay u dhisanyihiin qaab qabiil , iyadoona kuwa madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha ay ka qaybglayaan xuskooda iyo kuwa gobolada kale ee dalka jooga yihiin kuwa magaca kaliya wadaaga balse aanay isku aragtiyo ahayn.

Puntland-News24.