Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u yeeray madaxwayneyaasha dowlad goboleedyada dalka ka dhisan.

Sida uu helay warsidaha PuntlandNews24 kulanka ayaa looga hadli doonaa arima kusaabsan siyaasadda guud ee dalka Soomaaliya iyo sidii simidaysan ay wada shaqayn ay u dhexmari lahayd dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Dowladihii hore ee dalka soo maray ayaa ku guul daraystay wadashaqayn ay la yeeshaan dowlad goboleedyada dalka ka dhisan iyo inaanay helin kalsooni taasi oo ah dhaqaalaha magaca Soomaaliya lagu soo qaado oo dowladda aysan gaarsiin jirin deegaanada kale ee dalka taasi oo keenaysay in dowlad goboleedyadana ay si iskooda ah ay heshiisyo ula soo galaan dowladaha beesha caalamka ee taageera Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga.

Puntland-News24.