Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa maanta shir uga furmaya xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa looga hadlaya xoojinta wada shaqeynta dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada, la dagaalanka Shabaab iyo arrimaha shirka London.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay soo gaaray Muqdisho, halka qaarna ay horay ugu sugnaayeen.

Arrimaha ugu weyn ee shirkan ayaa ah shirka London, iyo sidii dowladda Federaalka ay u hoggaamin laheyd shirka, isla markaana dowladda federaalka ay hal ajande ula tagto shirkaas, si aan is bar bar yaac ku jirin.

Dowladda UK ayaa si kala gaar gaar u casuuntay Madaxda dowlad goboleedyada oo bishii hore ay Muqdisho kula kulmeen Xoghayaha Arrimaha Dibadda Boris Johnson.

Si kastaba ha ahaatee kulankan oo ka qabsoomi doona Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo Farmaajo uu si toos ah u hor fariisto Madaxda Maamul Goboleedyada.