Puntland ayaa amaro kasoo saartay urur-diimeedka Al-saadicuuna Bil-xaq, kulan ka dhacay Garoowe waxaa la faray laamaha amniga in ay soo xiraan shakhsiyaadka iyo xarumaha taageeray ururkaasi.

Maamulka Gobolka Nugaal, maxkamadda ciidamada qalabka sida, taliska ciidamada la dagaalanka argagixisada iyo taliyayaasha qaybaha ee gobolka nugaal ayaa kulankan ka hadlay.

Ciidamada waxa la faray talaabo deg deg ah oo laga qaado shakhsiyaadka kooxdan ka jooga Puntland.

Puntland waxay kooxdan u bixisay “Al-saariquuna Bil-xaq”

Dowladda Somalia ayaa sidoo kale ku tilmaamtay kooxda mid aan xaq ahayn , isla markaana mudan in laga hortago.

Hadaba Hoos ka Dhagayso Warbixinta .