Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in uu wado qorshe Shabaab looga saarayo Degaanada iyo Tuulooyinka ay ka joogaan Gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur (C/rashiid Janan) ayaa Degmada luuq ee Gobolka Gedo waxa uu kula kulmay masuuliyiin ka tirsan Maamulka iyo sarkiisha Ciidanka ee halkaasi ku sugan.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ay qorsheynayaan in ay bilaabaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab oo looga saarayo Degaanada Gobolka Gedo.

Sidoo kale C/rashiid Xasan C/nuur (C/rashiid Janan) Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka, si Shabaab looga guuleysto.