Diyaarado dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay dalka Kenya ayaa xalay duqeyn ka geystay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta loo geystay saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano u dhow Ceel Cadde, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ay geysteen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqleen qaraxyada dhowr gantaal oo diyaaradaha dagaalka ku rideen meel ku dhow deegaanka Ceel cadde.

Deegaanka la duqeeyay ayaa ku dhow saldhig ciidamada Kenya horay u degenaan jireen, halkaasoo sanad ka hor lagu qaaday weerar Al-Shabaab askar fara badan uga leysay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab iyo Kenya oo ku saabsan duqeyntan, ma ahan markii u horeysay ee diyaaradaha dagaalka Kenya duqeyn ka geystaan Jubooyinka iyo Gedo.