Ilaa iyo sadex boqol oo qof ayaa u jiifa isbitaalka degmada Burtinle cudurka shubanka oo halkaasi ka dilaacay, waxaana u geeriyooday 17 qof tan iyo markii cudurka uu bilowday.

Masuuliyiinta maamulka degmada ayaa sheegay 58- qof inuu cudurka soo ritay afartii maalmood ee ugu dambeeyey, biyaha ayaana wasaqaysan dadkana ma haystaan wacyi gelin dhanka caafimaadka iyo sababo kale ayaa jira oo cudurkaan la aaminsanyahay inay keentay.

Xogahayaha dowladda hoose ee Burtinle ayaa sheegay dadkan inay ka yimaadeen tuulooyinka hoosyimaada Burtinle.

Dadka ayaan haysan gaadiid ay kaga soo safraan tuulooyinka , waxaana shalay ku geeriyooday wadada xilli uu kusoo jeeday isbitaalka degmada Burtinle mid ka mid ah odayaasha deegaan hoos yimaada Burtinle.

Puntland-News24.