Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dad badan ay Cudurka Kalooraha ugu dhinteen Degmadaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed ayaa sheegay in Degmada Baardheere uu fara ba’an ku hayo Cudurka Kalooraha,Gudoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday iney Cudurka u geeriyoodeen Dad gaaraya 101 qof.

Maxamed Muxumed Gudoomiyha Gobolka Gedo ayaa sheegay in Cudurka Kalooraha uu wali soo ridanayo Dad horleh,wuxuuna tilmaamay in duruuf adag iyo Xaalad nololeed oo liidata ay ka jirto Degmooyin ay kamid yihiin Baardheere,Luuq iyo Doolow oo ka tirsan Gobolka Gedo.