Meedadka labanin oo Dhalinyaro aha iyo lix kale oo dhaawac ah oo kasoo Ambabaxay Dhanka Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa laga helay meedadkooda inta udhaxaysa Tuulada Dur Duri oo kala Barta Bosaaso iyo Laas Qoray.

Gudoomiyaha Deegaanka Dur Duri ayaa Sheegay in meedadka labadan nin la aqoonsaday oo uu jiro nin dhaawac ah oo ka soo badbaaday shilkan kaas oo uwaramay Dadka deegaanka.

Dhalinyarada ayaa tiradooda guud waxaa lagu sheegay Sagaalqo kuwaas ka Ambabaxay Magaalada Bosaaso Gaar ahaan Kaamka Boqolka Buush oo kuyaala Galbeedka Magaalada Bosaaso Si ay usoo Qafaashaan Maraakiibta isga Gooshaysa Xeebaha Soomaaliya .

Dhalinyaradan ayaa Waxay dagaal Fool kafool ah lagaleen Mid kamid ah Maraakiibta ilaalada kahaysa Xeebaha Soomaaliya.

C/laahi Axmed Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Tuulada Dur Duri oo katirsan G/Sanaag ayaa Arimahaasi uga Waramay Wariye Maxamuud Cabdi ibraahin oo ka tirsan Bahda PuntlandNews24.com.