Kooxo Hubeysan ayaa Barqanimadii maanta waxa ay Tiro Madaafiic ah la beegsadeen Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade.

Wararka ayaa sheegaya in Madaafiicdaasi ay ku hoobteen Gudaha Garoonka Aadan Cadde iyo Agagaarka halka loo yaqaan Madiina Gate.

Intaas kadib Kooxaha Madaafiicdaasi tuurayay ayaa la sheegay in Isgoyska Korontada uu iyaga iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Iska hor’imaad ku dhexmaray.

Waxaana la xaqiijiyay in 2 ka mid ah Kooxahaasi ay ku Geeriyoodeen iska hor’imaadkaasi islamarkaana Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan Gaariga raggaasi oo 3 qof gaarayay la socdeen iyo Hoobiyihii ay ku ridayeen Garoonka Aadan Cadde, walow Gaariga markii dambe uu Qarxay.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow oo Saxaafadda lahadlay ayaa u soo bandhigay labada Nin ee la dilay waxa uu sheegay in howlgalkaasi maanta ay Ciidamada Ammaanku sameeyeen uu bilow u yahay qorshayaal uga degan xaqiijinta Nabad Gelyada.