Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya , Raysal wasaaraha iyo madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada oo shir uu uga socday magaalada Muqdisho ayaa ka wada arinsaday xaaladda abaarta ee wadanka kajirta , iyagoona warbixino ka dhagaystay guddiga abaaraha qaranka ee culimadu hogaamiyaan.

Sheekh Nuur Baaruud oo ah guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ee qaran ayaa ka sheegay kulankan gaarka inay gurmad gaarsiiyeen gobolada kale duwan ee dalka.

Waxaa uu sheegay dhaqaalaha ay heleen inay ka aruuriyeen shacabka , islamarkaana ay gaarsiiyeen gobolada dalka si siman.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inay tilaabada loogu gurmanayo abaarta ay muujinayso inay soo laabatay kalsoonidii ka dhaxaysay umadda Soomaaliyeed.

Khayre ayaa sheegay inuu muhiimyahay isku tashiga shacabka iyo maamulada , islamarkaana ay ay dowlad ahaan ay aad usoo dhoweynayaan.

Puntland-News24.