Malaayiin ruux oo turkish ayaa maanta u dareeray codaynta afti dadweyne oo isbedel lgu sameenayo dastuurka dalkaasi si awood ballaaran loo siiyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, taasi oo noqonaysaa isbedelkii ugu ballaarnaa ee dastuurka lagu sameeyo muddo ku dhow boqol sano.

Madaxweynaha oo arintan ka hadlaya ayaa waxaa uu yidhi “Walaalyaal Aftidan Ma Ahan Afti Caadi Ah, Waa Waqti Muhiim Ah, Waxaanu Sameyneynaa Isbadal Aad Muhiim U Ah. Calankeena Cidna Ma Wasakheyn Karto” ayuu yidhi

Haddii aftida Haa loogu codeeyo, waxaa la baabiin doonaan jagada ra’isul Wasaaraha oo awood badan, iyadoo bedelkeeda la magacaabi doono madaxweyne K/xigeen, wuxuu madaxweynuhu uu toos ula xiriiri doonaa xisbiyadda siyaasadeed ee dalkaasi.