Shirkii kasocday xarunta madaxtooyada villa Soomaaliya ee u dhaxeeyey madaxda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa laga soo saaray in siyaasad midaysan lala tago shirka London ee arimaha Soomaaliya oo bishaan April la qabanayo , in si wdajir ah loogu gurmado abaaraha , lala dagaalamo Al-shabaab iyo wadahadalka Ahlu Sunah iyo Galmudug ee uga furmaya magaalada Muqdisho oo lasoo dhoweeyey.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa warbaahinta u akhriyay agaasimaha dhanka warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed.

Shirakn ayaa waxaa ka qaybgalay madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya , Raysal wasaare Xasan Cali Khayre , guddoomiyaha barlamaanka iyo madaxwaynayaasha Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirsahbeele.

Puntland-News24.