Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ku eedeeyey dowladda Turkiga inay mashaariicda ay ka fuliso Soomaaliya ay ku koobtay gobolka Banaadir.

“Turkiga in badan ayay Soomaaliya joogaan, illaa 2011, deeq Soomaaliya oo dhan loogu tala galay ayay magaalo gaar ah iyo gobol gaar ah siiyaan, xaqna ma ahan, Muqdisho iyo agagaareekda kaliya ayaa laga fuliyaa mashaariicda”ayuu yiri madaxwayne Cabdiwali Gaas.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay Turkiga inay tahay dowlad wanaagsan , balse ay khaldantahay qaabka ay mashaariicda Soomaaliya uga fuliso magaalada Muqdisho oo kaliya.

“Dalka waa Federaal, wax badan ayaa ka qaldan, waxaa loo baahan yahay in Federaalka sideeda loo dar dar geliyo, Turkiga waa inay fahmaan is bedelka ka dhacay Soomaaliya, wax fahan ah kama heystaan Federaalka, taas ayaa keeneysa in mar kasta dowladda Dhexe la macaamilaan.

Dowladda Turkiga ayaa mashaariicyo kale duwan ka wada magaalooyinka Koonfurta Soomaaliya iyo Hargaysa ee xarunta Somaliland, mana jirto mashaariic uu ka fuliyay gudaha Puntland.

Puntland-News24.