Banaanbax looga soo horjeedo Xariga loo geystay Madaxii Cisbitaalka Magaalada Jowhar ayaa Maanta ka dhacay Magaaladaasi.

Boqolaal dadweyne ah oo ka caraysay Xariga Xasan Mahad Cabdi Madaxa Cisbitaalka Magaalada Jowhar ayaa iskugu soo baxay Wadooyinka Magaaladaasi,waxayna kasoo horjeedeen tallaabada uu Maamulka Hirshabeelle ku amray in lagu xiro Cisbitaalka Jowhar.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle ayaa amray in la xiro Xasan Mahad Cabdi oo ah Madaxa Cisbitaalka Magaalada Jowhar.