Boqor Burhaan Boqor Muusse ayaa hoygiisa magaalada Boosaaso qado sharaf ugu sameeyey culimo soomaaliyeed oo dalka dibadiisa iyo gudihiisa isaga kala timi , kuwaas oo Masjid Rowda ee magaalada Boosaaso qabtay Nadwado sanadle ah oo la qabto , taas oo noqonaysa nadwadii 15-aad.

Culimada uu Boqorku casumay waxaan ka xusi karnaa Sheekh Daahir Aw-Cabdi ,Sheekh Axmed Daahir ,Sheekh Dr Aadan ,Sheekh Abdiwahaab Ibraahim Isxaaq ,Sheekh Dr Xassan ,Sheekh Cali Warsame ,Sheekh Axmed Cabdisamad ,Sheekh Maxamed Macalin ,Sheekh Bukhaari ,Sheekh Maclin Mowliid ,Sheekh Axmed Faarax Gaas, Sheekh Fuaad Aflow ,Sheekh Axmed Yuusuf Daad , Sheekh Faarax Cajab iyo ,Ganacsato , Waxgarad iyo masuuliyiin kale.

Boqor Burhaan Boqor Muusse oo hadal jeediyey qadada kadib ayaa culimada iyo waxgaradkii kale ee uu casumay u mahadceliyey , waxaana uu qeybtooda dalka dibadiisa ka timi uga mahadceliyey imaanshahooda iyo doorka wanaagsan ee ay markasta ka qaataan Ilaalinta diinta iyo dhaqankeenna suuban

Puntland-News24.