Dowladda faderaalka ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay hanjabaadda ururka Al-shabaab ay kasoo saareen waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare C/raxmaan Dahir Cusmaan ayaa u sheegay idaacadda VOA-da waxbarashada Soomaaliya inay tahay mid ku salaysan dhaqanka Islaamka , islamarkaana aanay waxba ka jirin eedaymaha ururka Al-shabaab ee ah dhaqanka reer galbeedka in lagu barto jaamacadaha iyo dugsiyada waxbarasho ee Soomaaliya.

“Soomaalida manhajkeeda wuxuu ku saleysan yahay Islaamnimo iyo Soomaalinimo, caqiiqadada iyo aragtida Islaamka ay ka turjumeyso”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

Wasiirka ayaa sheegay tarbiyada Islaamka iyo luuqadda Carabiga ay qayb ka yihiin waxbarashada dalka.

Dhanka kale wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow ayaa sheegay ujeedka ururka Al-shabaab ee hanjabaadda ugu dirayaan waxbarashada Soomaaliya ay tahay sidii carruurta Soomaaliyeed ay dagaalada u gelin lahaayeen.

Ururka Al-shabaab ayaa la wiiqay awooddoodii , waxaana ay inta badan beegsadaan goobaha shacabka iyo dowladda ee magaalooyinka qaar ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Puntland-News24.