Sawir Qaade Faysal Cumar oo ka tirsan Wakaalada Wararka Reuters ayaa ka badbaaday isku day la doonayey in lagu khaarajiyo.

Gaariga uu watay Sawir Qaade Faysal Cumar ayaa waxaa loogu xiray Waxyaabaha Qarxa,nasiib Wanaag Sawir Qaadaha ayaa ka dagay Gaarigiisa oo daqiiqado yar kadib goobta ku Qarxay,Faysal Cumar wax dhibaato ah kama soo gaarin Qaraxa lagu xiray Gaarigiisa.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa maalmihii u danbeeyey kusoo badanayey dilalka Qorsheysan iyo Qaraxyada lagu xiro Gawaarida Raaxada.