Dad badan ayaa saacadihii lasoo dhaafay Cudurka Shuban Biyoodka ugu dhintay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wasiiru dowlaha Caafimaadka Galmudug Cali Daahir Ciise ayaa sheegay in 23 qof ay u dhinteen Cudurka Shuban Biyoodka oo ka dillaacay Degmada Caabudwaaq,Wuxuuna xusay in dad gaaraya 300 oo ruux la dhigay 4 Cisbitaal oo kuyaalla Caabudwaaq kuwaasoo la ildaran Cudurka Shuban Biyoodka.

Cali Daahir Ciise ayaa sheegay in dadka kunool Degmada Caabudwaaq ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah,wuxuuna shaaca ka qaaday in Degmada ay sidoo kale ka jirto daawo yari baahsan.

Puntland-News24.