Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Xildhibaanada horgeynaya Mooshin ka dhan ah qaabka isku dhafka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Gudoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay iney dhaliilsan yihiin qaabka isku dhafka Ciidanka Xoogga dalka ee ay dhawaan ku heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Gudoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlaaanka ayaa tilmaamay ineysan aqbaleen wax kasta oo wiiqaya awooda Ciidanka Xoogga dalka,Wuxuuna tilmaamay in Ciidanku uusan ka mid ahayn waxyaabaha uu Saamaynayo Nidaamka Federaalka oo ku dhisan Gobolaysi.

Puntland-News24.