La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamud (Damuumaaye) ayaa faah faahin ka bixiyey Qorshaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed oo dhowaan lagu go’aamiyay shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho.

Xuseen Macalin ayaa sheegay in ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u soo dhabar adeygay difaaca dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed, ayna intooda badan ay muddo ka badan 10 sano heegan joogta ah ugu jiraan furumaha oo ay kula dagaalamayaan Cadawga, sida uu yiri.

“Dowladda Federaaka waxaa ka go’an in ciidankaas geesiyaasha ah ee naftood hurayaasha ah loo helo daryeel, qalabeyn iyo inay helaan dhammaan xuquuqdooda aasaasiga ah, mana jiro wax saameyn ah oo ciidankan howlgalaya ay ku yeelaneyso Qorshaha Amniga Qaranka oo ujeedadiisu tahay sidii loo dar-dargelin lahaa tayeynta cidianka Soomaaliyeed”ayuu yiri La Taliyaha Amniga ee Madaxweynaha.

Waxaa uu meesha ka saaray inay jiraan qorshe lagu kala dirayo ciidanka xoogga dalka, isla markaana fasiraad aan sax aheyn laga bixinayo qorshaha Amniga Qaranka sida uu yiri.

“Haba yaraatee ma jiraan qorshe lagu kala dirayo ciidanka XDS oo aan aragnay in fasiiraad aan sax aheyn laga bixinayo, taaaso aan waafaqsaneyn Qorshaha Amniga Qaran, Dowladda Federaalka waxay sii xoojineysaa howlaha cidianka Xoogga dalka, mooyee ma dhici karto wax dalka dib u celiya”ayuu yiri La Taliyaha Amniga Qaranka.

Si shacabka ay u fahmaan dooda Qorshaha Amniga Qaranka waxaan halkan hoose ku soo gudbineynaa sida uu u qoran yahay arrinka ku saabsan ciidamada:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu ka kooban yahay;

• Ciidanka Lugta
• Ciidanka Cirka
• Ciidanka Badda

Waajibaadka ciidanka XDS waa;

• Ilaalinta midnimada Qaranka
• Illaalinta iyo difaaca xuduudaha dalka
• Difaaca cadawga dibadda iyo kan gudaha oo u abaabulan qaab hubaysan oo

khatar galiyaan xasiloonida dalka

Qorshaha Amniga Qaranka ayaa waxaa lagu xusay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (XDS) tiradiisu ay noqoneyso ugu yaraan 18,000 oo ayan ku jirin ciidanka cirka, kuwa badda iyo ciidamada gaarka ah ee gaashaaman.

DHAMAAD