Wararka ka imanaya magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa ku warramaya in daadad ka dhashay roobkii lixaadka lahaa ee xalay ka da’ay degmada Qardho iyo nawaaxigeeda ay qaadeen laba carruur ah oo ku sugnaa togga ka hor inta aysan biyahu soo dhicin.

Waxana geeriyooday Cabdi waduud Axmed Juquraafi oo 7 sano jir ah ,halka wiilka kale oo la yiraahdo Cabdulahi Xuseen oo 9 jir ah laga soo bad baadshay xaaladiisuna ay fiican tahay.

Waxaa xilligan degmada Qardho dul fadhiya daruuru waaweyn oo insha Allah la rajaynayo in ay ku hooraan.