Waxaa xalay magaalada Qardho we xarunta gobolka Karkaar ka da’ay Roob ay si weyn ugu diirsadeen dadku kaas oo da ‘ayay dhawr saacadood ,onkodka roobka ayaa waxaa laga maqlayay dhamaan xaafadaha kala gedisan ee magaalada

Roobkan ayaa waxaa uu dabadeed xulay degaanada galbeedka ka xiga magaalada .

Roobkan ayaa waxaa biyo Daad ah ka soo celiyay dhinaca buundada.

Dhinaca kale, Biyo xoog leh oo ka soo dhacay dhinac xingood ee degmadda qardho ayaa gaystay khasaare, iyadoo inta la ogyahay uu dhintay ilmo yar oo 7 sano jir ah iyo wiilkale oo usna koomo kujira oo biyuhu ay qaadeen,  waxaa kaloo la soo sheegayaa in roobabku ay camimeen dhul badan oo ku yaal goboladda Karkaar iyo Nugaal.

Dad weyne fara badan ayaa saaka daawasho ugu jarmaaday buundada.

Qardho PN24