Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah hogaanka Dhaqanka Puntland ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay mashaariic dhawaan ay dowladda Puntland daah-furtay ,kuwaasi oo lagu dhisayo qaar kamid ah kaabayaasha dhaqaalaha gobolka.

Waxa uu Islaanka uga baaqay bulshada qaybaheeda kala duwan in ay ka qayb-qaataan dadaalada socda oo uu sheegay in ay muhiim u yihiin horumarka Puntland.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maalinamdii shalay dhagaxdhigay dhowr mashruuc oo kala mashaariicda wadada isku xiraysa Garowe iyo Eyl , garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo iyadoona dhanka kale ay socdaan mashaariicyo dhowr oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha Garoowe iyo wadada Ceeldaahir iyo Cerigaabo.

Hoos kadhagayso

Puntland-News24.