Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay 2 qof oo Shacab ah.

Koox Bistoolado ku hubaysan ayaa toogtay labadn ruux oo la sheegay iney kamid ahaayeen Ganacsatada iibisa Jaadka Magaalada Marka,Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay,Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay.

Lama oga sababaha ka danbeeyey dilka Magaalada Marka loogu geystay labadan qof ee Ganacsatada ah.

Puntland-News24.