Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa ka hadlay safarka uu ku aadayo degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Camay ayaa sheegay inay Buuhoodle gaynayaan Daawo iyo Raashin, ayna u kuur galayaan xaalada Caafimaad ee bulshada, ka dib markii Cudurka Shuban biyoodku uu ka dilaacay Buuhoodle.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in raashinka ay wadaan uu gaarayo illaa 1,5oo oo qoys.

Safarkiisa ayaa ah safar aan caadi ahayn oo yimi xilli gobolka Cayn 70% uu Roob ka da’ay.

Puntland-News24.