Doorashada Madaxtinimada Galmudug ayaa goor dhaw ka bilaaban doonta magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug, waxaana loolan adag u dhaxeeya sadex kamid ah ragga isku soo taagay jagadan.

Xildhibaanada Galmudug ayaa dooran doona qofka hogaamin doona Galmudug 2-sano ee nagu soo beegan, markii uu kal hore is casilay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xasan Guuleed.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in aysan dhicin doonin wax musuq maasuq ah.

Xildhibaan Cabdulqaadir Xasan oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in aysan jirin doonin wax musuq maasuq ah, islamarkaana ay dooran doonaan Cidii ay u arkaan in ay hoggaamin karto Galmudug.