Madaxwayne kuxigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey oo booqasho ku tagay magaalada Buuhoodle ayaa booqday waddo la doonayo in laga hirgaliyo magaalada Buuhoodle.

Madaxwayne kuxigeenka ayaa lacag dhan toban kun oo doolar ugu deeqay dhismaha wadadan , lacagtaasi oo ah mid jeebkiisa , waxaana sidoo kale uu xariga kajaray mashaariic ay dowladda Puntland deegaankaasi ka hirgalisay.

Isagoo warbaahinta la hadlayay ayaa waxaa uu soo dhoweeyey shir ay issimada beesha Dhulbahante la filayo inay isugu yimaadaan deegaanka , isagoona si’ aad ah usoo dhoweeyey , waxaana uu sheegay shirka inuu ahayn mid siyaasadeed balse uu yahay waxa looga hadlayo arimo dhaqan.

Puntland-News24.