Golaha wasiirada Hirshabelle ayaa maanta isugu yimid kulan ay ku yeesheen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelka Dhexe ee caasimadda u ah , waxaana laga soo saaray dhowr qodob oo eedo ah oo dowladda faderaalka loogu jeedinayo oo ay ka mid yihiin cuno qabatayn dhaqaale , muran dhanka xuduudaha ah iyadoo Hirshabelle ay ku doodayso qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir inay hoos yimaadaan maamulka Hirshabelle waxaana ka mid ah degmada Kaaraan ee waqooyiga Muqdisho.

Wasiirada warfaafinta oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Hirshabeelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa Saxaafadda u Aqriyay qobada kasoo baxay kulankii Golaha Wasiirada.

Puntland-News24.