Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan shirka London ee arimaha Soomaaliya.

Madaxwayne Gaas ayaa qorshaynaya inuu safar ugu ambabaxo London bilowga todobaadka soo socda , waxaana uu qayb ka noqonayaa madaxda Soomaaliya ee shirkaasi ka qaybgalaya.

Shirka London oo looga hadlayo dib u dhiska iyo ciidamada Soomaaliya sidii loo xoojin lahaa ayaa dhacaya 11ka bishaan , waxaa shir gudoominaya madaxwaynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha dalka Ingiriiska.

Puntland-News24.